QISO MURUGO BADAN NIN HOOYADII KA OOHIYEY SI AY XAASKII U FA...


QISO MURUGO BADAN NIN HOOYADII KA OOHIYEY SI AY XAASKII U FARAXDO =========================================== QISADAN waxa warinaya nin dahable ah wuxuuna yidhi: dukaanka ayaa waxa iigu soo galay nin iyo xaaskiisa ooy daba socoto ninka hooyadii oo islaan weyni iyadoo xambaarsan inan yar oo uu isagu dhalay, afar qof ayaa soo galay dukaanka dahabka. Xaaskiisii ayaa bilowday inay wax iibsato, ooy dahab iibsato, jawaahirna gurato, ka dibna ayuu ninkii ku yidhi dahablihii: Imisa weeyi xisaabtaadu? Wuxuu ku yidhi: labaatan kun iyo boqol riyaal. Ninkii ayaa yidhi: Oo boqolka ziyaadadi halkuu ka yimid? Waxaanu anagu xisaabinay labaatan kun oo kaliyee, halkuu boqolkani ka yimid?! Dahablihii ayaa ku yidhi: Hooyadaa ayaa boqolka riyaal ku iibsatay kaatun yicni faraati Wuxuu yidhi: Aaway kaatunku? Dahablihii ayaa ku yidhi waa kani, dabeetuu intuu inankeedii qaaday kaatunkii ayuu ku tuuray dahablihii isagoo leh : Habruhu (Islaamaha duqdi) dahabka ma xidhaan!! Hooyadii duqda ahayd ayaa markay maqashay hadalkaa ooyday, waxayna ku noqotay gaadhiga. Xaaskiisii ayaa ku tidhi: Waar hebel maxaad samaysay? Maxaad samaysay? Waxa laga yaabaa inayna dib inankaaga u xambaarine! Waaba sidii ay tahay khaadimad. Dahablihii ayaa ninkii canaantay, dabeetana intuu xaggii gaadhiga u kacay ayuu ku yidhi hooyadii: Wallaahi, qaado kaatunka haddii aad doonayso, dahabkana qaado haddii aad doonayso. Hooyadii ayaa tidhi: Maya wallaahi ma doonayo dahabka, mana doonayo kaatunka. Waxaan rabay inaan ciidda u farxo sida dadka kale u farxayaan, hase yeeshee waad kala daadisay farxadaydii, Ilaahay ha ku saamaxo. Qisadan murugta leh waxaan ka akhriyay internetka, wax badana waxay ka sheegaysaa sida dadka qaarkood u dayaceen xaqa waalidkooda. In waalidka la caasiyaa waxay leedahay muuqaalo badan ooy ka mid yihiin kuwa hoos ku qorani: 1. Codka oo kor loogu qaado ama in lagu qayliyo. 2. In si xun loo eego ama la huruufo. 3. Amarkooda oo la caasiyo ama la diido. 4. Xaqooga iyo danahooda oo la dayaco. 5. In la ixtiraami waayo. 6. Xaaska ama ninka oo kaala qiimo weynaada hooyadaa iyo aabahaa. 7. In laga oohisiiyo. 9. In laga cadhaysiiyo. Ilaahay hayna garan siiyo xaqa waalidka. By mahe babili lion

View more on Facebook



Leave a Message

×
×

This site was designed with Websites.co.in - Website Builder

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support

;