Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi ka...
Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno.
Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd. Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca “Asaasaqnimada ”Akhriku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo. Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay. Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay. Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.
Xigaso: mahe_babili_lion.fb.com
View more on Facebook
- ← Hiikaa jechootaa kan ni beektuu #ibliis -abbaa fii hogannaa...
- #Quran♥ furtuu rakko tiyya gammachuu onne tiyya Ifaa aduya a... →
Leave a Message