Maanta Oo Kale Nabigeena Muxamed scw Muxuu nooga Dardaarmay...


Maanta Oo Kale Nabigeena Muxamed scw Muxuu nooga Dardaarmay? Muxuu la Ooyay? Saxaabada Maxey La Ooyeen?.... ?? Aqriso Qoraal aan ka diyaariyay qudbadii ugu dambeeysay Nabi Maxamed oo aan idin soo koobay... (walaal sii faafi #share garey Qoraalkan, wax la faafiyo waxaa ugu qeer badan Hadalka Nabi Maxamed Scw) • SAXABAADA OO OOYAY ? - Rasuulka SCW maanta oo kale Carafo, wuxuu isugu yeeray dhammaan umadda reer Makka iyo Saxaabada oo idil, isagoo u sheegay in ay tahay markii ugu dambeeysay oo ay kulmaan. Saxaabada marka ay hadalka Rasuulka maqleen wey ilmeeyeen, aad ayey u qiiroodeen. Rasuulka ayaana yiri... "War dadoow i maqla, laga yaabee sanadkaan inuu yahay midka ugu dambeeya ee halkaan aan kuwada kulanno". • YAAN LA DAADIN DHIIGA DADKA "dadoow dhiigiina iyo in midkiina midka kale xoolihiisa ku xadgudbo xaaraan ayuu idinka yahay ilaa Alle aad kala kulmeeysaan" ayuu yiri Rasuulka. Sidoo kale Waxaa alle Quraankiisa uu ku sheegay in Qof muslim ah oo si gardaro dhiigiisa loo daadiyo ay kala qiimo badan tahay adduunka oo dhan. • HA AARGUDAN Nabigeena Maxamed Scw wuxuu maalintaas yiri "Ribada waa xaaraan, iska ilaaliya, Sidoo kale qofkii qof amaano ka hayya ha u celiyo amaanadiisa".... Rasuulkeena Maxamed ayaa ka dardaarmay in aargudashada ay tahay wax aan fiicneen. • "RAGOOW WAXAAN IDIN FARAYAA DUMARKA INAAD DHOWRTAAN" Nabi Maxamed SCW ayaa 1,400 oo sano ka hor wuxuu ka hadlay xuquuqda dumarka. Maalintaas aad ayuu ula dardaarmay raga qaba xaasaska. Wuxuu yiri Sharaf badne..... "War ragoow dumarkiina Xaq ayey idinku leeyihiin, idinkuna xaq ayaad iyaga ku leedihiin..." Sidoo kale Rasuulka wuxuu ahaa mid caawiya markasto dumaka. Tusaale ahaan wuxuu soo gali jiray guriga, markuu arko Caa'isha oo dharka dhaqeeysa isagana dharka ayuu qeyb ka wari jiray. Waala diiday dumarka oo la garaaco ama la aflagaadeeyo. Waligaa dumar ha caayin • CUNSURNIMADA - Nabigeena Maxamed wuxuu leeyahay "Kiina idinku cabsi badan ayaa alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah kama fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna kama fadli badna qof carab ah".... Maantana waxaan aragnaa Wadankeena Soomaaliya in qabiilo qaar la liido, taas oo diinta islaamka aysan ina farin. • SOO DHOWEEYA MARTIDA XITAA Rasuulka wuxuu maalintaas yiri "Dadoow qof Marti ah si wanaagsan ula dhaqma xitaa haddii ay yihiin cadow ama qof aan heysan diinta islaamka..." • MAKKA - Nabigeena Maxamed SCW wuxuu ku dardaarmay in aan dhibaato la gaarsiin magaaalada Makka iyo guud ahaan Dhulka barakeeysan ee Sacuudi Carabi. Wuxuu ku dardaarmay in Qof Makka u soo hijrooda aan dhibaato la gaarsiin. • SALAADDA - Rasuulka wuxuu aad iyo aad ugu dardaarmay Salaadda, isagoo yiri "SALAADDA, SALAADDA, SALAADDA, War dadoow Salaadda ilaaliya, oo yaan laga tagina, acmaasha ugu wanaagsan waa Salaadda".... • ALLOW MARQAATI IIGA NOQO ? - Rasuulka ayaa Asxaabtiisa weydiiyay "Alle wuxuu idinku keey soo dhiibay soo idinma soo gaarsiin? Asxaabadii ayaa dhaheen "haa Rasuul Allow"... Kadib Rasuulka ayaa yiri "Allow marqaati iiga noqo, Wax walbo oo umadda aad iigu soo dhiibtay waan gaarsiiyay"... Maalintaas waxaa ooyay oo qiirooday dhammaan umaddii halkaas isugu timid, waxa ayna ahayd sanadkii ugu dambeeyay ee Rasuulka uu u qudbeeyo saxaaabada. Isla sanadkaan ayuuna xabiibka alle geeriyooday. Allaha inaga dhigo Kuwa qaata Hadalka Rasuulka SCW aamin yaa allah Waxaa qoray: https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=241453409806674&id=121335788485104

View more on Facebook



Leave a Message

×
×

This site was designed with Websites.co.in - Website Builder

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support

;